Get Adobe Flash player

Gorfaynta Buugga 'Geeddigii Cabdiqays'

Dhowaan waxa magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay diiwaanka la magacbaxay ‘Geeddigii Cabdiqays’ oo uu qoray Cali Maxamed Yuusuf “Caligurey”. Qormadani waa gorfayn guudmar ah oo ku saabsan

buuggan iyo waxyaabaha uu la wadaago ama aanu la wadaagin buugga 'Darmaan iyo Dalxiis' ee uu hore abwaanka uga qoray Maxamed Cismaan Muxumed "Ugaaska".

Cali Maxamed Yuusuf “Caligurey” oo ah halgamaa muddo dheer ku soo jiray siyaasadda Soomaalilaand, waxa aan ugu horrayn ku hanbalyaynayaa dedaalka xooggan ee uu sameeyay si uu u soo saaro buuggiisii curad. Waxa aan rejaynayaa in khaladaadka diiwaankiisan ka soo muuqday uu uga faa’iidaysan doono si togan.

Buugga Geeddigii Cabdiqays waxa uu ka kooban yahay 382 bog. Waxa uu u qaybsamaa saddex marxaladood oo lagu saleeyay saddex meelood oo uu Abwaanku ku qaatay noloshiisa faneed iyo toddoba qormo (cutub) oo ka sii farcama. Qoruhu waxa uu marxaladda kowaad ula baxay Cabdiqays iyo Jabbuuti, marxaladda labaadna Cabdiqays iyo Hargeysa, halka uu marxaladda saddexaad ku suntay Cabdiqays iyo Muqdisho. Sidaas oo ay tahay, haddana waxa aad buugga ku arkaysaa suugaan la raaciyay marxaladda magaalo aanay ku soo bixin. Tusaale ahaan, bal u fiirso tixda ‘gabbood buu noo ahaa’ ee ku taalla bogga 382 iyo marxaladda ay raacsan tahay.

Buuggan waxa loo daabacay si cuddoon, iyada oo lagu daabacay warqado cusuus ah oo indhaha u roon iyo jeldi nashqad ahaan soojiidasho leh. Waxa uu xanbaarsan yahay 144 tixood, kuwaas oo 135 ka mid ah uu Cabdiqays leeyahay, halka 9ka soo hadhay ay kala leeyihiin: Hadraawi (7), Gaarriye (1) iyo Siciid Saalax (1). Sagaalkan tixood waa kuwo qoruhu ugu maarmi waayay si uu u xoojiyo fahamka akhristaha, maadaama ay ahaayeen tixo ay abwaan Cabdiqays isdhaafsadeen, isuguna jawaabeen saaxiibbadiisaa kale.

Heesaha caanbaxay ee diiwaankan Caligurey ku jira, bal se aan buuggii hore lagu soo bandhigin waxa ka mid ah: Nabsiga hiisha; Hoonbaro libaax bay soo waddaa; Bal ilaali bal, bal ilaali ajasha; Alle faxane ruuxii; Tiiraanyadaadaan, habeenki toosaa; Godobta Boosniya; Ma ku baraa jacaylka ma kuu bilaabaa; Sida laba cadaawaa, lama kala cadgoosto; Sidaa lama ammaanayn; Allow taas ha iga dilin, iqk.

Buuggani waxa uu yaab ku leeyahay sida uu gogoldhigga oo dhan u soo xigtay ee uu haddana kaaga dhigayo gogoldhig buuggan loo qoray. Taas waxa ka daran, qoraalka jeldiga danbe ku yaalla ee uu qoray Caligurey, waa qoraal aad arkayso in laga soo minguuriyay gogoldhiggaas Rashiid-Gadhweyne, deetana wax yar uun laga bedbeddalay.

Guud ahaan buuggani ma laha wax xigasho ah, marka laga reebo laba sadar oo bogga mahadnaqa ku yaalla oo lagu sheegayo in la soo xigtay tixo buugga ka mid ah oo aan si gaar ah loo cayimin. Sidaas darteed, waxa akhristaha marar badan ku adkaanaysa fahamka habka uu qoruhu ku helay xogaha uu gudbinayo.

Tixaha buugga ku yaallaa waa kuwo mutaxan, seenyoon, oo aan lahayn hordhac faahfaahinaya ujeeddada loo curiyay, marka laga reebo sadar iyo laba tibaaxhoosaad (footnote) ah, kuwaas oo aad badidooda mooddo in la kala sawiray. Tusaale ahaan, in ka badan 35 heesood oo buuggan ka mid ah (25% buugga ka mid ah) ayaan laga bixinnin sharrax aan dhaafsiisnayn ‘Cabdiqays ayaa codkiisa ku qaaday’.

Dhinaca kale, waxa jira tixo kooban oo uu ujeeddooyinkooda qoruhu ka hadlay, kuwaas oo aanay is lahayn tixaha iyo hordhacyadoodu ama ay ku kala yaallaan bogag aan isku dhoweyn. Waxa laga yaabaa in uu waxoogay hadal ah soo wado, deetana uu tixo door ah isxigsiiyo, taas oo macnaheedu noqonayo: akhriste, isla doondoono. Waxa buuggan ka maqan 8 tixood oo ku soo baxay diiwaankii Darmaan iyo Dalxiis ee Cabdiqays laga qoray, kuwaas oo aan faallo laga bixinnin sababta looga tagay.

Waxa jira heeso dhawr ah oo uu Cabdiqays curiyay, codkiisana ku qaaday, bal se muddo kadib uu Maxamed Mooge ka daba qaaday. Heesahaas in markii danbe Maxamed qaaday Cali buuggan kuma xusayo, marka la barbardhigo diiwaanka Darmaan iyo Dalxiis oo isagu mar kasta xusaya in Maxamedna mar danbe qaaday.

Waxyaabaha layaabka leh ee buugga ku qoran waxa ka mid ah sida uu Caligurey u fasirayo silsiladdii Siinley oo ah silsilad curashadeedii laga joogo muddo nusqarni ku dhow, isla markaasna wacaasheeda aad looga wada dheragsan yahay. Cali waxa uu silsiladdan u macneeyay si aan u fahmay in ay tahay uun sidii uu isagu u fahmay ama uu jeclaan lahaa in loo fahmo.

Caligurey waxa uu xusayaa in riwaayaddii ‘Aqoon iyo Afgarad’ ee 1972kii ka curatay jaamacaddii Lafoole ay ahayd waddani tawriyaysan (kacaamaysan). Fikradda riwaayadda waxa wada curiyay haldoorkii Lafoole ee kala ahaa: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, Siciid Saalax Axmed iyo Allaah ha u wada naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iyo Muuse Cabdi Cilmi. Riwaayaddan waxa ku jiray 9 heesood oo uu dhammaantood curiyay Hadraawi.

Riwaayaddan waxa arbe ka ahaa Maxamed Mooge Liibaan (AHN), waxaana qalanjo ka ahayd Shankarroon Axmed Sagal. Caligurey waxa uu bogga 161aad ee buuggiisa ku xusayaa: “…Riwaayaddu waxa ay ku dhammaanaysaa; Maxamed Mooge oo ku lebbisan tuutihii milatariga ayaa inta uu karin halkan ah ka kuday, gabadhii indhaha la’ayd ee Saxarla’ oo la wada dul tuban yahay ku soo baxaya, deetana inta uu dadkii xaggan iyo xaggaa u kala riixo ayuu isagu bogga soo gashanayaa, deetana hal mar ayaa gabadhii indhaha la’ayd ay indhihii wac odhanayaan oo araggeedii u soo noqonayaa, haddaba yuu ahaa geesiga tuutaha xidhnaa?”

Weyddiintaas waxa inooga jawaabaya qoraha oo intaas raacinaya: “Dheh; Xoogga dalka Soomaaliyeed, ama 25kii sarkaal ee afgenbiga dhigay, ama hoggaamiyahoodii Maxamed Siyaad Barre oo, riwaayaddu waxa ay saadaalinaysay in afgenbigii 21ka Oktoobar horseedi doono xoraynta dhulkii Soomaaliyeed.” Tafsiirkaas Caligurey buuggan ka hor ma maqal. Waxa kale oo aanan maqal in Maxamed Mooge riwaayaddaas ku metalayay Siyaad Barre.

Waxa jira khaladaad dhinaca higgaadda ah oo buugga ka muuqda, walow ay yar yihiin kolka la eego buuggii ka horreeyay ee Cabdiqays laga qoray. Qaladaadka madbiciga ah ee aan dhawrka meelood ku arkay waxa ka mid ah ereyga Saxarla’ oo loo qorayo Saxla’ oo u taagan macne gebi ahaanba lid ku ah kii Saxarla’. Waxa kale oo jira heeso laba jeer buugga ku soo noqnoqonaya sida ‘waan ciidi lahaa’.

Guud ahaan, 135ka tixood ee Caligurey buuggan ku soo bandhigay, 93 ka mid ahi waxa ay ku soo baxeen diiwaankii Darmaan iyo Dalxiis, waxaana innagu cusub 42 tixood. Buugga Darmaan iyo Dalxiis waxa uu ka koobnaa 101 tixood, kuwaas oo marka 8 tixood laga reebo aad buuggan cusub ugu tagaysid.

Buugga Darmaan iyo Dalxiis ee uu qoray Maxamed Cismaan Muxumed "Ugaaska", walow ay muuqato in waqti la galiyay, haddana waxa uu tix kasta ka horraysiinayaa hadaltiro badan oo aan akhristaha wax xog ah ku biirinayn. Waxa kale oo aad dareemaysaa in qoruhu aqoon xaddidan u leeyahay habdhiska iyo miisaanka maansada Soomaaliga. Waxa aad arkaysaa isaga oo tix kasta (bad kasta oo ay tahayba) ku sheegaya ‘heello’, iyada oo aanay jirin mid qudha oo ‘heello’ ahi. Waxa kale oo ay arrintani ka muuqataa sida uu u qoray tixaha buugga ku qoran, kuwaas oo intooda ugu badan laaxin ku jiro. Fahamdarrada qaabqoraalka maansadu waa iinta ugu weyn ee ka muuqata buugga Darmaan iyo Dalxiis, isla markaasna nuxurtirtay. Waxa aan Caligurey ku ammaanayaa in tixaha iyo heesaha buugga uu u qoray si aad uga wanaagsan sidii buuggaas hore.

Si kasta ay oo labada qoraaba u dedaaleen, kolka aad labada buugba akhrido, waxa aad dareemaysaa baaxadda suugaanta Cabdiqays iyo qabyada weli jirta. Waxa kale oo aad dhaadaysaa baahida loo qabo baadhitaanno intan ka badan oo suugaanta abwaanka ku saabsan. Baahidaas waxa aad ka maragfuraysaa kolka aad aragto in labada buug ku kala duwan yihiin tirada sannadihii uu Cabdiqays xabsiga ku jiray oo ka horana qorayo 12 sanno, ka danbana 8 sanno. Taas waxa ka daran marka aynnu aragno in laba bog oo ku yaalla isku hal buug ay tirooyin kala duwan sheegayaan inta sanno ee uu xidhnaa Abwaanku.

Cabdi Aadan Xaad ‘Cabdiqays’ waa abwaan foolaad ah oo buug, laba buug iyo tobannaan buugba laga qori karo. Laakiin, waa in aan buugaagta laga qorayaa noqonnin kuwo lagu kala naqilay warqaddii gaasta lahayd ee carruurnimadii sawirrada la dul saari jiray. Waa in ay ku kala duwaanaadaan dhinaca Cabdiqays ee ay ka hadlayaan iyo sida ay dhinacaas uga hadlayaan. Waa in ay sidoo kale yeeshaan ujeeddooyin kala sooca, afkaar kala rogan iyo mawaaddiic kala dab qaata.

Maxammad Saleebaan Cumar

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Twitter: @halabuur

16/9/2019

© Qalinleyda Weedhsan

Weedhsan Magazine: Download Free

.