Get Adobe Flash player

Buugga HAANEED: Suugaan cuddoon iyo Sargoyn wacan – W/Q. Faadumo Buuni

Buugga Haaneed waa miiddii, halabuurkii iyo hawraartii Abwaan Axmed Aw Geeddi. Waa dhigane ka kooban 297 bog. Waxa ku qoran  31 maanso oo si rasmi ah u qoran iyo 5 tixood oo meelo kala duwan

ku kala jira. Maansooyinkan dhammaantood waa intii aan  hore loo qorin intii laga heli karayey. 31 maanso waxay ka hadlayaan qaybaha nolosha, badhaadha bulshada iyo baahideeda, Jacaylka iyo jamashada ruux ku jecel. Burburka iyo baylah-tirka ummadda,halganka iyo u hayaanka hal kaa fog,ku sugnaanshaha naruurada nolosha iyo nabadda .Wuxu ku tusiyaa in aanay nolol jirin karin nabad la’aanteed, geediga noloshuna ma socon karto. Horumar iyo hawraarna aan isdhaafsan karin.Waa Buug ay ku dhan yihiin qormooyin iyo qoraallo qaybo badan oo ka mid ah Maansooyina mudhbaxay.Buugga waxaa ku jira 3 maanso oo ay abwaanno kale tiriyeen sida:abwaan Muuse Madar Cawaale oo tiriyey maansada darreen shacabiyo abwaan Jaamac-Shaacir oo tiriyey maansada Daweeya.

Buugga Haaneed waxa qalinka u qaatay, qaab iyo quruxna u yeelay ururin badan  oo habeen iyo dharaarba u socdaalay,jiif iyo joogna u diiday, hayaan dheer oo habayn badani ka muuqatana u galay isla markaana tifatiray qoraa, Axmed Iid Aadan. Axmed Iid Aadan waa qoraa wax ka qora arrimaha afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.

Buuggan maansooyin keli ahi kuma kaydsana, balse waxaa ku kaydsan qoraallo, sharraxaado iyo xogo badan oo waxtar leh.Sidoo kalena faallooyin iyo falanqayn farshaxan sarreeya lehoo mid kastaa filanwaa kugu noqonayso.Waxa intaas raaca Baadisoocda ummaddeenu gaarka u leedahay iyo siday u noolaayeen waayadii hore.

Dhiganahan ku horyaalla waxa ku jirta murtidii Abwaan Axmed Aw Geeddi, kaas oo uu qalinka u qaatey qoraa Axmed Iid Aadan oo shaaca kaaga qaadaaya si qurux badan oo xirfad qoraannimo ka muuqatowaxaad shilin ku wayday!Sooyaal iyo xikmad abwaan ayaad kala soo dhex baxaysaa. Gabayga aad ka akhrisato buuggani waxa uu kuu gudbin doonaa maanso, maansaduna geeraar, geeraarkuna hees hawleedyo iyo halo kaloo badan oon halkan lagu soo koobi karin!

Waa buuggii labaad ee lagu soo bandhiggo qaybo ka mid ah sugaantaa Abwaanka.

Waxa uu buuggu ka warramayaa “Dulmidiidka” iyo daryeel la’aanta bulshada qaybaheeda kala duwan.Waxa uu cidkasta kala hadlyaa hawsha u taala iyo ta u imanaysaba.Ummadda oo dhan ayuu si gaara iyo guudba ula hadlayaa.Waxa uu cidkasta u tilmaamayaa masuuliyadda hortaala iyo waxa la gudboon.

Hibada, hal-Abuurka iyo hawraarta  hodantinimadu ku duugantahay ee Axmed Aw Geeddi maaha mid xaashi iyo kuwo kale lagu qori karo balse waa badweyn aad marba meel ka istaagayso!

Dhiganahani wuxuu ku dhaxalsiinayaa inaad ku fikirto noqoshada qof lagu soo hirto oo dadku kaga daydaan wanaagiisa. Mid lagaga daydo  tirtirkasaddexda madaw; Qabyaaladda, Aqoondarradda iyo Saboolnimada. Sidoo kale hawlgal iyo halgan nololeed, nabadayn iyo naruuro ifaysa, waddaniyadda iyo wehelka waddanka.Waxaa taasi sii dheer barashada deegaanka iyo dhaqanka guud ahantii, barashada siyaasadda iyo saldhigga wacyigelinta ummadda.Haaneed wuxuu ka kooban yahay 10 qormo, tobankaas qormo waxaa ka mid ah

1.      Maansooyin halgan iyo dulmi diid

2.      maansooyin cirbaxay iyo halmuceedyo

3.      Qunbe malabiyo tixo qubane ah

4.      Tix carceertiyo dhaliil tolmoon iyo maansooyin riwaayadeed

Maxaa loogu bixiyey buugga Haaneed?

“Hasha laba nin baa lisa. Ninka dhiilka haya ayaa haaneedka taagan.Waa dhinaca mudan ee hasha laga joogsado.Timacadde waa kii lahaa, ‘Haaneednay Maandeeq Ilaah nama hungeysiine’. Halbay kalmaddaasi markii hore ku saabsanayd, markii danbena hal’abuurku gobannimadii bay u adeegsadeen. Gabayga laftiisuna wuxu kala leeyahay ‘Haaneed’ iyo ‘Miskeed’, oo waa in la haaneedo oo dhinaca tooska ah la iska taago. Ibraahin-Gadhle ayaa waxa uu yidhi: ‘Maansada abwaanoow, haaneedka mooyee, yaan miskeedka laga gelin!.Markaa magaca ‘Haaneed’ ee buuggani waxa uu u taagan yahay in suugaanta xagga toosan ee bulshada wax u taraysa laga galo oo la iska taago”.Axmed Iid Aadan

Dhiganahan waxaad kala kulmi doontaa mahadhada xilliga iyo sawrirro xasuus mudan, oo mid kastaa maalin gaara iyo ujeedkiisa lahaa.Dhiganahan waxaad ka dhex daawanaysaa in suugaanta abwaan Axmed Aw Geeddi ay leedahay Baadi-Sooc  u gaar ah, isla markaana kaga duwan tahay suugaanta kale ee abwaannada.

Maansooyinka dhiganahan ku diiwaan-gashan waxaad ka dheehanaysaa aqoon aad u baaxad wayn, isla markaana ka miisaan wayn inta aad ka baratay. Buugga waxaad ugu tegi doontaa maansooyin duluc keli ah koobsanaya sida; “Shahiid dirir”, “guur”, “abaydin abaydin dhalay”, “indha daalis”, “dadku waa ilmo aadan”, “geyaan”,“waa carruur”, “yaan iblays fooqyo kaa ridin” iyo qaar kaloo badan. Maansooyin arar kooban sida; cirjiidh, dhiigmaydh iyo roob doon. Maansooyin dulucdoodu ka mugwaytahay oo ay badan tahay isla markaana ujeedooyin badan midaynaya sida;  Himilo iyo jiiftada garbadiir. Maansooyin dulucdoodu dedan tahay sida kordahab iyo hiddasan.

Maansada Kordahab waxay noqotay intii aan akhrisanayey dhiganaha Haaneed maansadii iigu yaabka badnayd, waa maanso qoto dheer oo miisaan mug wayn xanbaarsan waanay ka magac iyo muuq dheertahay maansoyinka kale.Sidoo kale waxa loo rogay (turjumay) Af-Ingiriisi.Dahabo-Cadar, Deeqa-Ladan, doobir badan, damal hadhwayn, dumar-u-roon, diric-kalkaal, deris ma-dhiba, Sama dugsada, daacad dhaba, gumaro dihin, dawlada qaran, aragti dheer,xishood qurux, dulqaad iyo dad jacayl. Intaas oo magac ah ayuu abwaanku u bixiyey maansada kordahab oo u gaar ah iyada.

Meelo badan ayuu abwaanku ka tiriyey Kordahab.Maansadan aqoonyahanno badan ayaa gorfeeyeysida; Maxamuud Sh. Axmed Dalmar iyo Kamaal Axmed Cali. Waxa uu sheegay Sh. Dalmar in  Kordahab meelna lagu cayimi karin, arrintan waxa uu sii daba-dhigay oo uu yidhi” Waxay tilmaamaysaa shayga quruxda la yidhaahdo oo mar gabadha uu Kordahab u bixiyey Axmed, marna dabeecadda dhulkeenna ee hilaaca, roobka, gudgudaha, caleemaha iyo quruxdii oo marba si gooni ah loo sifaynayo. Mar kale suugaanyahanka, murti-dhaadhiga ama dhaqanruugga soomalida waxa lagu yaqaan in ay maansadoodu dhawr sifo yeelato oo sidii ninkii yidhi,” muruqa laba suulle nin ba si’ la ah.” Iyaga oo dushaa la moodayo in ay inan (gabadh) ka hadlayaan ay haddana wax ka gun dheer ama ka qoto fog ka hadlayaan.

“Maansada Kordahab waa dugsi cusub oo Ibofur u noqon karain gabayga Soomalidu uu hannaan kii hore ka duwan u cabbiro caashaqa” Kamaal Axmed Cali.

Kamaal isaga oo si qoto dheer inooga sheekaynaya maansada Kordahab waxa uu yidhi,”Maansadan Abwaan Axmed Aw Geeddi, marka laga tago qaabka cusub ee uu jacaylka u soo bandhigay, waxaa u dheer in uu si aqoon iyo waayo-aragnimo badani ku dheehan tahay isugu xidhayo deegaankii, hiddihii iyo dhaqankii hore oo dhan ah iyo noloshan casriga ah ee teknoolajiyadda iyo hannaanka dawladnimo u adeegaysata dhinacyada kala duwan ee nolosha oo dhanka kale ah.”

Waxa uu intaa ku daray Kamaal, marka laga tago hal-abuurnimada abwaanka ee ka muuqata maansadan Kordahab iyo qaabka xiisaha badan ee ay gabayga ugu xidhayso nolosha casriga ah, waxa keliya ee ay mudan tahay waa in hal-abuurka hadda jooga iyo suugaanyahanku ay u aqoonsadaan kacaan cusub oo dib u cusboonaysiinaya suugaanta Soomaaliyeed si ay ula jaanqaaddo

Aynu soo qaadaynno qaybo kooban oo ka mid ah Maansada Kordahab:

Illayn waa Dahabo-Cadar

Illayn waa Deeqa-Ladan

Illayn waa Doobir badan

Illayn waa damal hadhwayn

Illayn dumar-u-roon

Illayn waa diric-kalkaal

Illayn waa deris ma-dhiba

Illayn waa samo-Dugsada

Illayn waa daacad dhaba

Illayn waa gumarodihin

Illayn waa dawlad qaran la yidhi,

Calan bow deldelan

Debkeedaan abid bakhtiyin”

 

Suuraaf baa kuu duddee

Dabbaal iyo maaha nacas

Demmeni weli laguma xaman

Waxaan looba duurxulayn

Haddaa hadalka u deddaan

Diirkay xaajada ka garan

 

Dugsey waalidkeed u tahay

Dadkiyo gacalkaa ku hiran

Deeqdiyo quudkay hurtaa

Docdeedana laguma qado

 

Xishood bay dayratoo

Duryan iyo dawshad iyo

Dibnaha hiif kama taqaan

Dulqaad baa lagu sedoo

Dhib iyo dibindaabyo ma leh

Darmaan weeyaan cuddoon

Daahiyadweeyaan dhabeela

Ma doonto wixii la diiday

Ma diido wxii ku daw ah

Intii dumar loogu xilan

Dadnimo Rabbi bow dhammeeyey

 

Badh baa dibadaha maree

Iyadu dalandoolma dhigin

Dibood iyo meel xun jog

Absugawaa looga digay

Dardaaran fog bay qabtaa

 

Cirkoo wada dedan habeen

Sidii Dayax heel ka mudhay

Iftiinkii daaliciyo

Hillaacii dunida miray

Haddaad roob soo da’iyo

Idinku dirir moodayseen

Nuurkii Deequu ahaa

Niqaabku markuu ka duulay!

 

Haddii tartan daawashiyo

Inuun qurux lays dalbado

Laxahadaanshoonayiyo

Hadday Dayaxa iyo Cadceeddu

Dhammaan soo wada degaan

Digtoodiyo halalacooda

Kordahab baa shiikhin layd!

 

Diyaarado lala hayiyo

Abboolaha samada degay

Diiradda cirbixiyeenadiyo

Waxaa Satalayt la diray

Hibay deydeyi yahaan

Haldoorkiyo duub intii leh

Intii hanad lagu dabqaato

Dunjiga madaxwaynayaasha

Amaba Dibitaati caana

Darteed bay suuxsan yiin!

 

Deebalaha geel iyo gammaan

Daasiyo lacag iyo qadhiidh

Dirhamka sooflagu gatiyo

Amaba demesh iyo xariir

Duunyadu meherkeed ma goyso

Haddii calaf laygu daro

Diintaan ku nikaaxi laa

Fiiro gaar ah: Maansadan oo dhammaystiran, sharaxeeda iyo waxa laga yidhi ugu hagaag buugga Haaneed, boggiisa 151-169.

Ma dhammaystiri karo maansooyinka i soo jiitay ee dhiganahan ku jiro sidoo kale waxaa ka mid ah; Maansada “Guur”.Maansadani waxay ka mid tahay maansooyinka ku jira filimka “Abaydin abaydin dhalay” waxana ay ka hadlaysaa wanaagii uu lahaa guurkii hore, cid kale lama hadlaysee dhallinyarada ayey si gaara ula hadlaysaa.Waxay u sheegaysaa in guurku lahaan jiray, milge, maamuus, masruuf, mariin iyo martabad sare.Waxa kale oo ay intaas u raacinaysaa haddiiba aan la soo celin milgihuu lahaan jiray guurku in la dhaxli doonno hoog iyo halis.Waxay tidhi sidan:

Guurkeennu milguu lahaa

Macniyo qiimuu lahaa

Miisaan weyn buu lahaa

Haasaawiyo maydhax-diir

Xaq-dhawr iyo marin gobeed

Maamuus culus buu lahaa

 

Guurkeennu maqaam sariyo

Martabad dheer buu sudhnaa

Marriin bay inantu leyd

Mas’uul bixiyey lahayd

Masruuf baa loo qarridhey

MeexaamiiGacalka iyo

Tol aan kala maarmi karin

Ayaa meehaahi jiray

 

Macooyiyo hooyo wacan

Marwaa loo xeeban jiray

Markay xaleeleen carruuri

Hadduun buu muuno jabay

Mudnaantii la diley

Macaan laga dhigey qadhaadh

Masaafiyo meher-xadkani

Sharciga meel kagama yaal

 

Dhallinyaroow magan Allee

Haddaan talo loo miyirin

Shareecada lagu mitidin

Sooyaalkeenii la marin

Marwaadkuu dhaqan lahaa

Haddaad mijo xaabisaan

Waxyaabaha muxarrimka ah

Haddaad u miliilicdaan

Hadhow midhahay dhashiyo

Waxaad ka magaabataan

Markhaataa laga ahaan.

Maansooyinkii ugu horreeyey ee abwaanku tiriyey waxaa ka mid ahayd maanso waxbarasha ka hadlaysa maansadan waxa uu u tiriyey arday xilligaas uu tiriyey dhammaystay waxbarashoodii sannadkii 1985-kii. Qoddobada uu kaga hadlay maansada waxaa mid ahaa waajibaadka laga rabo ardayga, sida habdhaqan wanaagsan, dulqaad iyo darreen samo fal ku dhisan waxa uu yidhi;

Arday waxaannu nahay

Aqoontiyo cilmiga

Lagu ababiyoo

Asluub iyo dul-qaad

Eebbe siiyayoo

Ummaddooda dhammi

U asxaan faloo

Ku adkaystayoo

Lagu wada ogyee

 

Awrba awrka hore

Inta uu socduu

Kan danbana ogyoo

Ku itaalayaa

Nimanyahow aflaxay

Aarankaa kiciyo

Jiilka imanayaba

Ma tusnaa awoo?

Dhabbo aayo wacan

Dhibta aadamiga

Aafeysay iyo

Iimaha saddexan

Ee adduunka dhibay

Eel baa ka daran

Haddaynaan ogaan

Waa aqoonxumee

Aaniyo qabiil

Ma ka aarsanaa?!

Kama helinoo kaliya suugaan cusub iyo erayo cusub ee waxaan ka ogaaday, baadisoocda aynu lahayn, dhaqankeennuu siduu hodanka u ahaa iyo sida maanta loo cidleeyey , iyo siday dhalin badani uga dhooftay dhaqankoodii wacnaa!

Ugu danbayn Suugaanta halkan u dhigani waa suugaan wax ku baraysa.Waxay noloshaada ka dhigayaan mid mid taaganta iyo tagtadaba wax ka garanaya, mid sita toosh uu wax badan oo ka qarsoonaa ku ogaanayo.Waa Suugaan muuqaalka aad ka arkayso maahee kuwo kale ku qarsoonyahay oo loo baahanyahay inaad adigu lafo gurto.

Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

© Qalinleyda Weedhsan

Weedhsan Magazine: Download Free

.